Till innehåll på sidan
Du måste skriva minst ett tecken i fältet för att kunna söka.

Gaadiidka dadweynaha gobolka waa qeyb ka mid ah gobolka Örebro. Waxaan mas’uul ka nahay safarada basaska iyo tareenada ee gobolka oo dhan.

Ku safar bas iyo tareen

Waxaad isticmaali kartaa tikidhadeena si aad ugu safaro bas iyo tareenba.

Qorsheey safarkaaga

Jadwalka saacadaha waxaad ka heleysaa aabkayaga, shabakadeena iyo meelo badan oo gaadiidka laga raaco. Isticmaal aabkeena baska iyo tareenkaba ama booqo bogga lanstrafiken.se si aad safarkaaga u qorsheysid.

Warbixinta gaadiidka ee hadda taagan

Ka fiiri aabkeena ama shabakadeena macluumadkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dib u dhaca iyo wax ka bedelka.

Aabka

Aabkeena waa lacag la’aan. Halkaasna waxaad ka heli kartaa:

  • Inaa ka raadsato safrada basaska iyo tareenada
  • Inaa ka aragtid jadwalka
  • Inaa ka iibsatid tikidhada

Ka raadi ”Länstrafiken Örebro” Google Play ama App Store si aad u soo degsato Aabka.

Gaariga ilmaha lagu riixo iyo baaskiiladaha

  • Gaariga ilmaha lagu riixo basaska iyo tareenada lacag la’aan ayaa lagula raacaa.
  • Haddii boos la helaayo waxaad basaskeena soo saaran kartaa baaskiilada laysku laab laabo, baaskiilka lugta lagu wado ee korontada ku socda, baaskiilka lugta lagu wado ee caadiga ah iyo baaskiilada caruurta ee aan silsilada lahayn.

Helitaan

Basaskeen iyo tareenadeena waxaa laga heli karaa meel laga kori karo iyo meel loogu talo galay kuraasta curyaamiinta. Meelaha joogsiyada qaar waxaa ku yaala shaashado laga aqrisan karo waqtiga imaatinka iyo bixitaanka. Haddii aad caawinaad u baahantahay weydii darawalka ama shaqaalaha tareenada.

Tigidhada

Waxaan haaynaa tigidho kala duwan:

  • Tigidh sii socod keliya ah: Hal safar.
  • Tigidhka mudada: dhowr safar oo muddo cayiman ah, tusaale ahaan 24 saacadood ama 30 maalmood.

Tigidhka mudada wuxuu shaqeyn karaa:

  • 24 saacadood
  • Xilli la bedbedeli karo 10/40: 10 maalmood safar ah 40 maalmood gudahood
  • 30 maalmood
  • 30 maalmood qiimo jaban

Tigidhka wuxuu ka shaqeyn karaa:

  • Gobolka oo dhan
  • Hal aag
  • Laba aag
  • Magaalooyinka Örebro ama Lindesberg
  • Degmada Karlskoga
  • 1-2 soone
  • Gobolka Örebro + gobolka Värmland

Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo helitaanka nooca tigidhka adiga kugu haboon waxaad la xiriiri kartaa xafiiska adeega macaamiisha.

Qiimaha

Qiimeyaasha waxa ku xiran yihiin masaafada iyo qiimaha kala duwan. Waxaa jira qiime dhimis loo sameeyo caruurta, dhalinyarada, ardayda iyo dadka hawlgabka ah. Isticmaal qorsheeyaheena safarka si aad u aragto qiimaha.

Iibso Tigidh

Tigidhka waxaad ka iibsan kartaa:

  • Aabka aoo isticmaalaaya kaarka lacag bixinta, Iswish ama Klarna
  • Baska dushiisa adoo isticmaalaaya kaarka lacag bixinta ama qasnada safarka
  • Adeega macaamiisha ee xarunta safarada Örebro adoo isticmaalaaya kaarka lacag bixinta, qasnada safarka, Iswish ama kaash
  • Meelaha wakiilka noo ah in wax laga iibsado adoo isticmaalaaya kaarka lacag bixinta, qasnada safarka ama kaash
  • Shabakadeena wax iibsiga adoo isticmaalaaya kaarka lacag bixinta.

Kaarka safarka iyo qasnada safarka

Tigidhada iyo qasnadda safarka waxaad ku degsan kartaa kaarka safarka. Kaarka wuxuu joogaa 30 kr waxaadna laga iibsan karaa adeega macaamiisha ama meelaha wakiilka noo ah in wax laga iibsado. Diiwaangeli kaarkaaga dukaankeena internetka si aad u hesho dammaanad kaarka la waayay.

Baaritaanka tigidhada

Mar walba oo aad safreyso tui tigidhkaaga. Haddii aadan haysan tigidh sax ah waxaa lagu ganaaxaayaa 1200 kr. Waxaad kaga dacwoon kartaa adeega macaamiisha.

Adeega macaamiisha

Ma u baahantahay caawinaad? Nala soo xiriir:

  • Telefoon: 0771 - 55 30 00
  • E-post: Lt.orebro@lanstrafiken.se
  • Nagu soo booqo xarunta safarada ee Örebro.

Waxyaabaha dhuma

Wax makaaga dhumeen baska ama tareenka? La xiriir adeega macaamiisha si laguu caawiyo.

Safarada adeega

Waxaan bixinaa safarada adeega sida adeegyada safarka dadka aan awoodin inay ku safraan gaadiidka dadweynaha sababo kala duwa awgood, safarka dugsiyada iyo safarada caafimaadka.

Adeega safarka dadka aan awoodin inay ku safraan gaadiidka dadweynaha sababo kala duwan awgood

Adeega safarka dadka aan awoodin inay ku safraan gaadiidka dadweynaha sababo kala duwan awgood waxaa loogu talo galay dadka aan waxba qabsan karin. Waxaad u baahantahay oggolaansho si aad ugu safarto. Ka dalbo shabakadeena..

Safarka dugsiyada

Haddii aad deggantahay meel ka fog joogsiga baska ilmahaaga waxaa uu ku safri karaa baska dugsiyada. Sharciga degmooyinka waa ku kala duwan yihiin. La xiriir degmadaada.

Safarada caafimaadka

Safarada booqashada daryeelka caafimaadka ee gobolka Örebro waa lacag la’aan iyadoo la adeegsanayo bas ama tareen. Warqadda ballanka ayaad tigidh ahaan u isticmaali kartaa. Dhaqtarka daryeelka ilkaha wuxuu kuu soo diri doonaa tigidh sms ah. Haddii aad u baahantahay gaadiid safar caafimaad, waxaa loo baahan yahay oggolaansho. Waxaad ka codsan kartaa shabakadeena.

Dalbo safarka adeega

Ka dalbo adeega safarka dadka aan awoodin inay ku safraan gaadiidka dadweynaha sababo kaa duwan awgood ama safrka caafimaadka adigoo adeegsanaaya:

  • Aabka adeega safarka
  • Xarunta dalabaadka telefoonka: 0771 - 92 00 00

Aabka adeega safarka

Adoo adeegsanaaya aabka adeega safarka waxaad awoodaa inaa:

  • Dalbatid, bedeshid ama joojisid adeega safarka
  • ka aragtid baabuurka khariidada
  • Magacaabatid wakiil adeega safarka

Ka soo degso aabka:

  • Google Play
  • App Store